Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay banaan-baxyadii Muqdisho.

Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed, ayaa war ka soo saaray dilkii habeen kahor loogu geystay degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir labo ruux oo shacab ahaa, iyo dibadbaxyo ka dhashay falkaasi.

Shariif Sheekh Axmed oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado ayna cambaareynayaan dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay Muqdisho sabab ka dhalatay Bandowga la soo hormariyey, isagoona intaas ku daray in horay ay talo ku bixiyeen in shacabka uu culays ku yahay waqtiga.

“Ugu horeyn waxaan cambaareyneyna falkii sharcidarada ahaa ee dad shacab ah booliska ugu dileen Magaalada Muqdisho, waxaana ku baaqaynaa in askartii ka dambeysey falkaas, iyo cidii amartayba sharciga la horkeeno cadaaladana lamaroyo” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Marka labaad waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culees ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore.

Ugu dambeyntii, Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed, ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii sida sharci darrada ahaa loo dilay, isagoona alle uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo, dadkii ladilayna qabriga Allaha u waasiciyo.