VIDEO: Qofkii ugu horeeyay oo COVID-19 ugu geeryooday Puntland

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan ka hor-tagga iyo la Tacaalida cudurka Coronavirus, ayaa ku dhawaaqay in qof ugu horeeyay uu cudurka Covid-19 ugu dhintay gudaha Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr. Jaamaca Faarax Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ayaa sheegay in qofkii ugu horreeyey uu cudurka Covid-19 Puntland gudaheeda ugu geeriyooday, isagoona ugu baaqay shacabka inay muujiyaan feejignaan, sidoo kalena u hoggaansamaan fariimaha iyo tallooyinka caafimaadka ee Guddiga, Dhakhaatiirka iyo Hay’adaha kale ee Dowladda.