Wakiilkii hore ee QM ee Soomaaliya oo geeriyooday

Wakiilkii  hore ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya, hadana ahaa Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Dalka Tanzania Dr Augustine Mahiga ayaa ku geeriyooday dalkaasi.

Mahiga ayaa geeriyooday isagoo 74 jir ah saacadihii hore ee saaka isagoo Ku geeriyooday magaalada doma ee dalka Tanzania.

” Waxaa ku soobbooday xanuun deg Deg ah , isagoo loola cararey cusbitaal , halkaas ayuuna ku geeriyooday” Sida uu xaqiijiyay af-hayeenka madaxtooyada dalkaas.

Mahiiga ayaa hore u soo noqday Wasiirkii arimaha dibada dalka Tanzania Sanadihii u dhaxeeyay 2015 – 2019 , Waxaana uu hada Ku magacaabnaa xilka wasiirka Cadaalada iyo arimaha Dastuurka Dalkaas.

Mahiga waxa uu ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhaxaysay Juun 2010-Juun 2013.

Mahiga Waxaa uu la soo shaqeeyay madax kala duwan intii uu ahaa ergayga, Sida Madaxwayne Shariif Sheekh axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ka Dhex muuqan jiray kulamadii aaya ka tashiga Soomaaliya.