UNHCR oo sheegtay inay iyadu soo dirtay Gargaarka Qardho

Hey’adda UNHCR ayaa sheegtay in Gargaarkii shalay Puntland soo gaadhay ay iyadu bixisay balse safarka iyo mas’uuliyadda howsha ay qaadatay dowladda Soomaaliya, sidaas waxa sheegay, Wakiilka Hey’adda ee Soomaaliya, Johann Siffointe oo yidhi:

“UNHCR waxay ku faraxsantahay inay taageerto dedaallada dowladda dhexe iyo maamulka Puntland si looga jawaabo xaaladda deg deg ah ee fatahaadda Qardho. Markii la qoondeeyey 920 agabka asaasiga oo ay bixisay UNHCR, dowladda federaalka ayaa qaadatay mas’uuliyadda iyo abaabulka safarka duulista hawada,

UNHCR waxay sii wadi doontaa wax ka qabashada daadadka, iyadoo hoos imanaysa hoggaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, xidhiidh dhowna la leh dowladda xubinta ka ah ee Puntland”