VIDEO: Puntland oo Ciidan ilaalo ah geysay guri ay ku sugan tahay Hooyo ay 3 ilmo ah kala tageen Daadadkii Qardho

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji, ayaa dhaliil kulul u soo jeedisay Warbaahinta iyo Dadka isticmaala baraha Bulshada, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay Muuqaalo wareysi ah kasoo duubayay Maamo Nasro oo ah Hooyo Saddex carruur ah oo ay dhashay ay la tageen Daadadkii kusoo rogmaday dhowaan Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

Wasiir Aamina ayaa sheegtay in saxaafadda iyo Dadka kale ee baraha bulshada wax ku baahiya looga baahan yahay inay ilaaliyaan Xuquuqda iyo Qalbiyada dhibanayaasha, ayna ka feejignaadaan in wareysiyo aysan aqoon qaabka loo maareyo qaadaan, taas oo sii danqaysa quluubta dhibanaha.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Marwo Aamina Cismaan Xaaji, ayaa sheegtay in Dowladdu ku khasbanaatay in Ciidan ilaalo ah ay haatan geysto guriga ay ku nooshahay Hooyadan dhibanaha ah, si looga ilaaliyo Dadkan sii dhaawici kara Qalbigeeda.