Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad looga shakisan yahay inay xariir la lee yihiin Argagixisada Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen saldhig Ciidanka Amniga Puntland ku lee yihiin degaanka Teerage oo dhacda galbeedka magaalada Galkacayo.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerarkan oo waqti habeenimo ah dhacay, waxaana wararku ay sheegayaa in Labo ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ay ku dhinteen weerarka.

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo ka wada degaanka uu weerarku ka dhacay iyo nawaaxigiisa, kuwaas oo lagu baadi goobayo kooxihii weerarka soo qaaday.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.