Bardaale: Ciidanka Itoobiya oo soo riday diyaarad siday Dad Shacab ah

Diyaarad ay leedahay shirkada african express oo waday dad shacab (Rakaab) ayaa lagu riday Magaaladda Bardaale ee gobolka Baay.

Diyaarada ayaa ka duushay Xamar waxay martay Baydhaba, waxay duulimaadkeedii usii wadatay Magaaladda Bardaale ee gobolka Baay, ugu dambeyn halkaas ayaa lagu duqeeyey. 5qof oo diyaaradda saarnaa aya ku dhinteen

Ciidanka Itoobiya ee jooga Gobolka Baay aya lagu eedaynaya inay soo rideen diyaaradda .Sakaarisha Itoobiya wali kama aysan hadlin Eedaynta ay usoo jeediyen Masuliyinta diyaarada African Express

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.