Maxaa uqabsoomay hawlgalka amni ee Gaalkacyo

Hawlgalka xoojinta amaanka waxuu badalay wajigii amni xumo ee guud ahaan Gobolka Mudug,gaar ahaan xarunta Gaalkacyo.

Maxaa uqabsoomay Hawlgalka ilaa iyo hada?

1.Waxaa joogsaday furashadii Taleefoonada gacanta ee khaatiga laga taagnaa.

2.Waxaa meesha ka baxay Xabadii ay iska ridi jireen dhalinyarada Mukhaadaraadku dilooday.

3.Waxaa fashilmay shirqooladii argagixisada Gobolka ay ka fulin jireen.

4.Waxaa soo laabtay kalsoonidii shacabka.

5.Waxaa soo laabtay cawaysinkii habeenimo oo ilaa saq dhexe Magaaladu ay furnaan karto.

Bulshadu waxay aad ula dhacsan yihiin hab dhaqanka Ciidanka ee dhan walba,kaasoo sababay in ay wada shaqayn umuujiyaan.

Talye Muumin waxay haldoorka Gobolku qirayaan in uu yahay Nin shaqadiisa daacad u ah,karti leh,dadaal badan ay ka gon’an tahay soo celinta amniga Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaan la dhayalsan karin Ciidanka sirdoonka iyo hogaankooda oo doorkoodii si weyn uqaatay.

Mudug waxaa loo helay saraakiil amaan oo isla jaanqaaday.

Saxaafada xorta ka ah baqdin gelinta argagixisada iyo qurba joogtuba waa in ay la shaqeeyaan Ciidanka garabna umuujiyaan.

Jibril Qoobey.