VIDEO: Taliyaha cusub ee Booliska Puntland oo baaq u diray Shacabka

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland sarreeye guuto Cabdi Xasan Xuseen “Cabdi yare”, oo xilka kala wareegaya Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Puntland S/gaas Muxuyadiin Axmed Muuse, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay xoojin doonaan howlgalada xaqiijin amniga degaanada Puntland.

Sidoo kale, Gen. Cabdi yare ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan dadaalada tayeynta Ciidanka Booliska, isagoona tilmaamay in Ciidanka ay ka dhisi doonaan akhlaaqaad iyo mabaa’diidka si ay u dhexgalaan Bulshada degaanada ay ka howlgalayaan

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen “Cabdi yare”, ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska, si looga guuleystay Argagixisada iyo kooxaha kale ee dhibaatada ku ah habsami u socodka amniga Degaanada Dowladda Puntland.