VIDEO: Wasiirka Qorsheynta XFS oo lagu eedeeyay wax ka qabasho la,aanta degaanada laga soo doortay

Dhalinyarada kasoo jeeda Gobalka Sanaag iyo Heylaan ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa eedeymo kulul u jeediyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan in uusan waxba ka qaban Degaanada uu ku matalo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale sheegeen in dad u socday arrimo caafimaad oo uu ka qaaday Baasabooradoodii ay ku geeryoodeen magaalada Muqdisho.