Wasiir Cawaash: Waxaan gacanta ku dhignay Doomo si sharci darro uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, ayaa sheegay in Ciidanka ilaalada badaha Puntland ay gacanta ku dhigeen illaa 40 Doomood oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha degaanada Puntland, isagoona sheegay inay Puntland aqbali doonin in ku xadgudubka biyaha degaanadeeda.

Wasiir Cawaash oo ka hadlayay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Booliska Puntland, ayaa xusay inay rajeynayaan in dhowaan Boolisku ka qeyb-qaataan howlgalada ka dhanka ah jariifka.