Kenya iyo Itoobiya oo ku loolamaya baarista diyaaradii lagu soo riday Bardaale

Dowladda Kenya ayaa Soomaaliya iyo beesha caalamka ka codsatay in baaritaan lagu sameeyo sababta diyaarad laga leeyahay Kenya oo ka shaqeysa gargaarka bani’aadannimada loogu soo riday Soomaaliya.

Diyaaradda oo dhacday Isniintii shalay waxaa ku dhintay lix ruux oo isugu jiray muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwo reer Kenya ah.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay waddo dadaalo lagu hor istaagayo in baaritaan daah-furan lagu sameeyo burburka diyaaradan, maadama la tuhunsan yahay in Ciidankeedu soo rideen.

Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la billaabay baaritaan ku saabsan dhacdadaas.