Khudbad: Madaxweyne Deni oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa jeediyey hadaljeedintiisii labaad ee bilaha aheyd, ayaa ka hadlay Amniga, daadkii kusoo fatahmay Qardho, sida Dowladdu uga jawaabtay iyo gurmadka socda. isagoo u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay gurmadka.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday fataahadda ka dhacday Qardho iyo dhammaan dadkii ugu geeriyooday Soomaaliya xanuunka Coronavirus, oo uu Madaxweynuhu uga digay bulshada Puntland in ay ka taxadaraan.