Taliyaha Ciidanka Madaxtooyadda Puntland oo is-casilay

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf ayaa goor dhoweyd shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi.

Qoraal kooban oo uu la wadaagay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayuu ku sheegau in uu iska casilay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada inkastoo uusan faahfaahin ka bixin arrimaha keenay iscasilaaddiisa, sida laga soo xigtay Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in is-casilaada G/sare Barkhad Abdillahi Yusuf ay ka dhalatay kaddib markii faragalin lagu sameeyey nidaamka shaqadiisa, isagoo marar badan ka cawday dad aan shaqo kulaheyn ciidanka oo amaro bixiya, taas oo waxba laga qaban waayay.

G/sare Barkhad Cabdullaahi ayaa intii uu joogay xilkan hirgaliyey hanaanka Tirokoobka casriga ee ciidanka Madaxtooyada, iskuna dubariday qorshahan, taas oo sahashay in Ciidanka koofiyad casta Madaxtooyaddu ay noqdaan Ciidankii ugu horeeyay ee lacagahooda ku qaata Acounada ay ku lee yihiin Shirkadda Salaam Bank.