VIDEO: Madaxweyne Deni oo sheegay in gacanta lagu dhigay xubno kamid ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay hadlay Dadweynaha, ayaa  ka hadlay Amniga deegaanada Puntland, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee Ciidanka Amniga Puntland  oo iskaashanaya ay sidoo kale burburiyeen shabakado ay lahaayeen Argagixisadu, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in amniga Puntland haatan lagu qabtay gacan bir ah.

Dhanka kale,  Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay dagaal habeen ka hor ka dhacay galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.