Xildhibaan Ibbi “Waa xaqiiq waa lasoo riday diyaaradii ku dhacday Bardaale”

Xildhibaan Prof. C/raxmaan Aadan Ibbi oo ka mid ah saamileyda Shirkadda Diyaaradaha African Express ayaa sheegay in diyaaraddii shalay ku burburtay agagaarka garoonka diyaaradaha Bardaale la soo riday.

Prof. Ibbi oo wareysi siiyay Idaacada Risaale ayaa sheegay in aanay garaneyn sida wax u dhaceen, balse ay dhab tahay in diyaaradooda la soo riday, ayna ka war sugayaan baaritaanka ay dowladda wado.

“Waa dhab diyaaraddaas waa la soo riday, markii ay ku soo fooraarsatay garoonka diyaaradaha Bardaale, ma naqaano sida wax u dhaceen, baaritaanka dowladda ku jirta waxaa ku geeriyootay labo Captain, Engineer, labo shaqaale iyo nin xamuulka diyaaradda saarnaa wakiil ka ahaa”ayuu yiri Prof. Ibbi.

Waxaa uu sheegay in dadka deegaanka Bardaale ay u sheegeen in xilliga diyaaradda soo degi rabtay uu socday dab rid iyo tababar, isla markaana diyaaradda ay aragray garoonka oo gawaari yaallay, kor ayay u kacday, wey kala wareegtay, markaas kadib ay saalbo ku dhacday, kuna burburtay meel garoonka u dhow sida uu yiri Xildhibaan Ibbi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku leh garoonka diyaaradaha Bardaale inay gantaal ku dhifteen, inkastoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay.