AMISOM oo war kasoo saartay diyaaradii lagu burburiyay Bardaale

AMISOM oo war ka soo saartay diyaaraddii ku burburtay BardaaleWar saxaafadeed ay soo saartay AMISOM, ayey ku sheegtay inay soo dhawaynayso go’aanka ay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ku baarayaan diyaaraddii ku burburtay Bardaale, ee gobolka Baay, Soomaaliya.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan taageerahennii soo jireenka ahaa aan u muujinno dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana diyaar u nahay inaan ka caawinnno wax walba oo baaritaanka ujeedkiisa ah ee ku aadan dhacdadaan.” Ayuu yiri Madaxa Howlgalka ciidamada AMISOM, Francisco Madeira.

Diyaarad sidday agab loogu talagalay ka hortagga coronavirus ayaa ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay, Soomaaliya. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ay diyaaradda u burburtay, waxaa soo baxay warar sheegaya in lasoo riday.

Lix qof oo diyaaradda saarneyd ayaa geeriyootay, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Salaad. Dadka dhintay waxay isugu jireen muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwo reer Kenya ah.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in uu madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo qoysaska dhibbanayaasha “u xaqiijiyay in ay billaabeen baaritaanka oo si rasmi ah ay u hoggaamineyso Wasaaradda Duulista Hawada”.

“Madaxweynaha wuxuu sidoo kale soo dhoweynayaa dhammaan hay’adaha iyo dowladaha doonaya in ay ku soo biiraan baaritaanka”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay villa Somalia.”Waxay (dowladda) bixineysaa wada shaqeyn iyo taageero aan xadidneyn oo buuxda”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay sare u qaadeyso badqabka diyaaradaha gargaarka iyo adeegyada aasaasiga ah ee xilligan lagu guda jiro saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19.