Bardaale: Wararkii ugu dambeeyay ee xiisad ka taagan diyaaradii lasoo riday

Wararka ugu danbeeyay ee laga helayo soo rididii diyaarada ee Bardaale waxay xaqiiijinayaan in Ciidanka Itoobiya ay lahaayeen Gantaalka lagu dhuftay.

Itoobiyaanku waxay ku andoocanayaan in diyaaradu markay soo hoobatay kor ukacday markale,kadibna ay ka shakiyeen in iyaga ay kusoo wajahan tahay sidaana Gantaalka ula gaareen.

Sidoo kale waxaa jira warar aan xoog badnayn oo sheegaya in NISA ku lug leedahay soo ridida diyaarada.

Goobjoogayaal kale waxay xaqiijinayaan in diyaaradu markay u holatay dagista ay aragtay Ciidan iyo Tikniko fara badan oo garoonka taagan sidaana ay kor ugu kacday.Jibril Qoobey.