Maxaa sababay Is-casilaadii Agaasimihii iyo Taliyihii Madxtooyadda Puntland ?

Xakamaynta la’aanta dadka ku hareeraysan Madaxweynaha oo Qoyskiisa ama asxaabtiisa kale ha ahaadeen waxay sababtay in ay dad badan oo macno leh ka fogaadaan.

Shaqo ka tagidii Agaasimihii Madaxtooyada ee hoos loo dhigay waxaa sal u ahaa xadgudub ka yimid dadka ku wareegsan Madaxweynaha.

Sidoo kale Talyihii Madaxtooyada ee shaqada ka tagay maanta waxuu sababsaday qoyska Madaxweynaha,gaar ahaan walaalkiis Xasan Deni.

Talye Khadar waxuu ka shaqayn waayay dhalinyaro Madaxweynaha ay raas hoose yihiin oo uu hormuud u ahaa Nin lagu magacaabo Qoolaali oo booska Talyaha isku waday markii hore.

Qoolaali waxuu garab ka helay Xasan Deni oo u adeejiyay Rag uu ka mid yahay agaasimaha Maaliyada Madaxtooyada Geedi.

Dagaal hoosaad jaafaa jiriqa,ayaa lala galay,kaasoo laga xusi karo in safarkii Madaxweynaha aan waxba laga ogaysiin kana war helay Talye Khadar Madaxweynaha oo jooga Qardho.

Dagaal hoosaadkaasi waxuu ugu danbayn keenay in uu maanta uu iscasilo Talyihii Madaxtooyada.

Madaxtooyada Puntland caawa maleh Talye iyo Agaasime guud.

Jibril Qoobey.