Puntland: 13 Ruux oo maanta laga helay Cudurka COVID-19

Guddiga Dowladda Punrland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida cudurka Coronavirus ayaa caawa soo saaray warbixinta maalinlaha ah ee ku aadan xaalada degaanada Puntland ee COVID-19.

Guddiga ayaa sheegay in 13 kamid ah 23 Ruux oo laga baaray cudurka COVID-19 laga helay cudurka, Dadka laga helay cudurka ayaana 10 kamid ah ku sugan yihiin Gobalka Nugaal, halka saddexda kalena ay ku sugan yihiin Gobalka Karkaar.