XOG: Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo laga helay COVID-19

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabakadda Idil News u sheegay in
mas’uuliyiin sar sare oo kamid ah Golaha Xukuumadda Puntland uu ku dhacay xanuunka COVID-19, wallow aan si rasmi ah loo shaacin.

Xubnaha laga helay xanuunka oo isugu jira 3 Wasiir, 2 Wasiir ku-xigeen iyo 1 Wasiiru dowle, ayaa wararku sheegayaan in haatan xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Guddiga wacyi-gelinta iyo la tacaalida Coronavirus ayaan weli ka hadlin wararka la xariira haleelida cudurka COVID-19 ee xubnaha kamid ah Golaha Xukuumadda Puntland, kuwaas oo la sheegay inay badankood ku sugan yihiin Magaalada Qardho.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.