DFS oo soo bandhigtay xabsi ay si qarsoodi dadka ugu xiri jirtay (VIDEO)

Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay xabsi Qarsoodi ahaa oo ku yaalay Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir, kaas oo lagu xiri jiray, sidoo kalena jirdil loogu geysan jiray Dadka ka aragtida duwan Xukuumadda Federaalka, gaar ahaan Dadka ka dhaliila baraha bulshada ee kunool Magaalada Muqdisho.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Saleebaan Maxamed Maxamuud, oo booqday maanta xabsigan oo lagu magacaabo “Cusboole” ayaa sheegay inay baaris ku aadan eedaha loo jeedinayo ku sameyn doonaan Maamulka Degmada Deyniile, isagoona sidoo kale uga digay guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir inay si sharci-darro ah dad u xiraan.

Xabsigan maanta ay la wareegeen Taliska Ciidanka Booliska DFS ayaa maalmihii ugu dambeeyay lagu hadal-hayay baraha bulshada, taas oo sababtay in Hay’adaha xuquuqul aadanuhu digniin adag u soo direen Madaxda DF Soomaaliya, oo lagu eedeeyay inay iyagu wax ka og-yihiin xabsiyadan.