Itoobiya: 23 Ruux oo ku geeryooday daadad kusoo rogmaday

Daadadka ka dhashay roobabka ma hiigaanka ee ka da’aya dalka Itoobiya ayaa la sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 23 qof.

Komishiinka ka hortagga masiibooyinka iyo maareynta khataraha ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay iney daadku saameeyeen dad ka badan 220,000 oo qof.

Kuxigeenka Madaxa Komishiinka Demene Darota oo warbaahinta dalka Itoobiya u warramay wuxuu sheegay iney daadku khasaaro hor leh ka geysan karaan deegaannada dhulkooda uu hooseeya gaar ahaan degmooyinka ku hareereysan wabiyada.

Wuxuuna Demene sheegay in daadaku qasaaraha ugu badan ay ka geysteen deegaannada Soomaalida, Oromada iyo Ismaamulka magaalada Diridhaba.

Deegaanka Mustaxiil ayaa waxaa uu ku fatahay webiga Shabeelle mara halkaas, waxaa arrintaasi ka dhashay khasaare baahsan.

Webiga Shabeelle iyo Juba ee mara Soomaaliya waxay kasoo burqadaan dhulka buuraleyda ah ee dalka Itoobiya oo ay haatan ka da’ayaan roobab mahiigaan ah.

Wuxuu sida oo kale sheegay iney daadadku ay waxyeella u geysan karaan dhul beereed aad u badan taasina ay ka dhalan karto cunna yari.