Beesha caalamka oo dhaqaale ku taageeraysa Dowlada Somaliya

Beesha caalamka,ayaa ugu yaboohday Soomaaliya dhaqaale gaaraya 16-milyan oo dollar.

Lacagtaas,ayaa loogu talagalay laba qaybood oo kala ah ..

1.La dagaallanka xanuunka COVID-19.
2.Kabida Miisaaniyada Somaliya.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto,ayaa sidaa ku sheegay waraysi online ahaa oo ku siiyay khadka Online-ka Saxaafada.

Lacagtaas bixinteeda kuma koobna Maraykanka oo kaliya ee waxaa iska kaashanaya beesha caalamka oo idil

“Lacagtan taageerada ah maaha mid keliya ka imaaneysa Mareykanka ee waxaan la kaashaneynaa dhinacyo kale” ayuu yiri Donald Yamamoto.

Macada in lacagtaas ay qayb ku leeyihiin Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah.