Dhuusa-mareeb: Khilaaf siyaasadeed oo dib uga curtay Maamulka Galmudug

Olalaha Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa ka socda magaalada Dhuusa-mareeb, kaddib markii uu xoogeystay khilaafka u dhexeeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkas oo maalmo dib ugu laabtay Dhuusa-mareeb.

Khilaafka Labada Masuul ayaa salka ku haya magacaabistii Golaha Wasiirada Galmudug ee dhowaan uu soo dhisay Madaxweyne QoorQoor, waxaana dhamaan fashilmay kulamadii ugu dambeeyay ee dhexmaray Labada Masuul.

Madaxweyne QoorQoor ayaa dhowaan soo dhisay xubno ka kooban 24 Wasiir oo ay kasoo muuqdeen Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb ah Mucaaradka Dowladda Madaxweyne Farmaajo, uuna kamid yahay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo uu u magacaabay Wasiirka Amniga Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa iska diiday xiriir khadka Telefoonka ah oo uu la soo sameeyay Madaxweynaha DFS, kaddib markii uu fashilmay wada-hadal ay habeen kahor yeesheen isaga iyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.