Ciidamada PSF oo fashiliyay Qaraxyo

Ciidamada amaanka PSF waxay hada gacanta ku dhigeen Gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa agagaarka Rowda Wadada Suuqa Caanaha aada ee Bosaso.

Goobta Gaariga Qaraxyada sida lagu qabtay waa halkii ay Ciidanku ku toogteen waxyar ka hor xubin muhiim ahayd oo Alshabaab ka tirsanayd.

Maanta 17-kii Ramadaan waxaa loo yaqaan Bader argagixisada sida khaldan udeegsata Diinta,ayaa kordhiya weerarada ay bulshada sooman ee Islaamka ah la beegsadaan.

Heegan sare ayay ku jiraan Ciidamada amaanka Puntland.

Jibril Qoobey.