Deni “Labo kamid ah Golaha Wasiirada Puntland ayaa laga helay COVID-19” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in Labo kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada Puntland laga helay cudurka COVID-19, kuwaas oo xaaladoodu ay haatan wanaagsan tahay.

Madaxweyne Deni oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho, ayaa sheegay in Wasiirada laga helay Cudurka ay kamid ahaayeen sidi weyn ugu howlanaa dadaaladii lagu samata-bixinayay dadkii waxyeeladu kasoo gaartay daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho, isagoona alle uga baryay inuu cafimaad taam ah siiyo.