VIDEO: Madaxweyne Deni oo ka hadlay howlgalada ka dhacay Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdilaahi Deni, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Qardho ayaa bogaadiyay hawl-galadii ay fuliyeen Ciidamada Amaanka ee magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu qabtay xubno ka tirsan kooxaha weerarada ka gaysta Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay Colaad mudooyinkii danbe ka aloosnayd Gobolka Mudug taas oo u dhaxaysay beelo walaalo ah, Arimaha Gurmadka ee Qardho ka socda ayuu faahfaahin ka bixiyay Madaxweynuhu halka ay marayaaan, gaar ahaan talaabooyinka ay dawladu qaaday.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa si guud uga waramay xaalada guud ee Amnigga Puntland, Cudurka Covid-19 ee sida xawligga ah u faafaya.