VIDEO: Sarkaakiil kamid ah Al-Shbabaab oo lagu qabtay Boosaaso, midna la dilay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo saaka Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Howlgalkan oo ay ka wada qeyb qaateen Cutubyo kamid ah Ciidamada PSF-ta, PMPF-ta iyo Booliska Gobalka Bari, ayaa laga fuliyay goobo cayiman oo ay ku sugnaayeen xubno qorsheynayay inay ka fuliyaan Magaalada Boosaaso dilal iyo Qaraxyo maanta, kuwaas oo horey Sirdoonku u soo gudbiyeen xogtooda.

Intii Howlgalka lagu guda-jiray Ciidanka PFS-ta ayaa bartamaha magaalada Boosaaso ku toogtay sarkaal sare oo kamid ah ahaa xubnaha weerarada fuliyay, kaas oo tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxay qabteen Sarkaalkii hoggaaminayay weerarada ahaana Madaxii dilalka ee Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamada PSF PMPF iyo ciidamada booliska Gobalka Bari oo howl galkan si wada jira u sameyay.