Garoowe: Diyaarado bilaabaya boofinta Ayaxa ku habsaday Degaanada Puntland

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deeganka ,Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland C/rashiid Cali Geelle, ayaa sheegay in dhawaan ay wasaaraddu bilaabeyso olole cirka iyo dhulkaba looga buufinaayo ayaxa ku habsaday deegaannada iyo degmooyinka kala duwan ee maamulkaasi.

Wasiir C/rashiid ayaa sheegay in ay ayaxa u adeegsan doonaan buufintiisa diyaarado joog hoose ku duulaya, isagoona shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan dadka arintaan ka shaqeynaya.

Sidoo kale, Waxa uu tilmaamay in aysan waxyeelo gaarsiineen sunta ayaxa lagu buufinaayo shacabka iyo xoolaha ,waxa uuna shacabka ugu baaqay in aysan dhib u arkin oo ay beegsanayaan ayaxa goobaha uu ku habsaday .

Ugu dambeyntiii, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ayaa sheegay in arintaan ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya , hay’adda FOA  iyo Dowladda Puntland si ayaxa looga cirib tiro degaanada Puntland ee uu ku habsaday si uusan u waxyeeleen dalagyada kasoo baxa beeraha ku yaalla halkaasi.