VIDEO: Madaxweyne Biixi oo digniin u diray goobaha Waxbarashada ee Degaanada Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Coronavirus oo kusii kordhaya deegaannada Somalland, isagoona digniin u diray Goobaha Waxbarashada ee ku yaalla Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Sheybaarka Cusub ee Somaliland ku baarto Cudurka Coronavirus uu muujinayo in uu Cudurka kordhay, isla markaana Bulshada looga baahan yahay inay ku baraarugaan.