VIDEO: Sheekh Shariif oo shaaciyay heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray Madaxda DFS & Itoobiya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee mucaaradka ah ayaa ka dalbaday Madaxda dowladda Federaalka inay shacabka Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ku soo galeen dalka Ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsaneyn Taliska AMISOM.

Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal Page-kiisa gaarka la soo geliyay looga hadlay dhacdadii 4-tii bishan lagu soo riday Diyaaraddii African Express oo gargaar u siday degmada Bardaale.

“Howlgalka nabad ilaalinta AMISOM waxeey caddeeyeen in ciidanka Ethiopia ee toogtay diyaaraddii African Express ee Gargaarka u sidey Berdaale aysan hoos imaan, kana tirsaneyn taliskooda, Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Itoobiya kusoo galeen dalka, kuna joogaan”ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay Page-ka Facebook ee Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka qabaan tuhun ah inuu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Itoobiya iyo madaxda dowladda.

“Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Itoobiya iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu jiro sharciyad dowli ah oo ciidanka AMISOM xakameynaya howlgalkooda, laakiin ciidanka Itoobiya ee sifaha aan sharciga ahayn dalkeenna ku jooga ma heyno qaab loola xisaabtami Karo oo cad.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in tallaabadan lagu soo riday diyaarada gargaar uu yahay mid xadgudub iyo halis ku ah hawada Soomaaliya iyo xeerarka kale ee duulimaadyada rayidka, waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka inuu qaato doorkiisa kor-joogteynta hey’adaha fulinta, wadankana lagu maamulo siyaasad daah furan oo dastuurka dalka waafaqsan.