Video:-Yamamoto”Doorashada Somaliya waa in ay wakhtigeeda ku dhacdaa”

Safiirka Somaliya ee Maraykanka waxuu cadeeyay doorashadu ku haboon tahay wakhtigeeda in ay ku qabsoonto iyaguna ka Maraykan ahaan ay diyaariyeen dhaqaale 6-Milyan oo dolar ah.

Safiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd see u aragtaan hadii dib loo dhigo doorashada Somaliya,ayaa yiri..

“Somalida ayay utaalaa sida ay yeelayaan anagu uma yeerinayno xiliga ay dhacayso hadii waxyar dib loo dhigayo iyo hadii kalaba,lkn xiligeeda in ay dhacdo ayay ku haboon tahay”.

Marka laga soo tago hadalka diblomaasiga guud ahaan Somalidu waxay ka midaysan tahay in aysan doorashadu hal maalin dib u dhicin.

Walwalka hada ugu weyn ee haldoorka Somalidu ay qabaan waxay tahay hadii Villa-du isku daydo dib udhig doorasho waxa ka dhalan kara ee kiini kara in dalku dib ugu laabto colaado kala danbaynta soo kabanaysana ay burburto,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka