Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal ka dhacay xaafado kamid ah Muqdisho

Warar dherraad ah ayaa kasoo baxay dagaal xoogan oo xalay ka dhacay xaafaddo ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu xoogiisu ka dhacay xaafadaha Tarabuush iyo Kaawo Gudey ee Degmada Wadajir, wuxuu sigaar ah u dhexmaray Ciidamo ka tirsan Booliska kuwa Milateri ah oo ku sugnaa halkaas.

Goobjooga ayaa sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay howlgal ka bilaabeen xaafadda Tarabuush oo la sheegay in xalay laga tuuray Madaafiic ku dhacday gudaha Xarunta AMISOM ee xalane.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.