Madaxweyne Deni oo ka qeyb-galay shir Live ah oo looga hadlay Xaalada Qardho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hab maqal iyo muqaal ah uga qeyb galay Shir Puntland ay ka codsatay Beesha Caalamka oo uu fududeeyay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, uuna ka qeybgalay Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre. Kulanka ayaa looga hadlayey sidii looga falcelin lahaa fatahaadii ka dhacday Qardho.

Waxaa kulanka looga hadlay marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintan.