Puntland: Tirada Dadka u dhintay Coronavirus oo korortay

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida cudurka Coronavirus, ayaa shaaciyay in qofkii afaraadk uu COVID-19 ugu geeryooday gudaha degaanada 24 saac ee lasoo dhaafay.

Guddiga oo soo saaray warbixintoodii maalinlaha aheyd ayaa sheegay in 24 ruux oo baaris lagu sameeyay Axadii 8 kamid ah laga helay cudurka COVID-19, kuwaas oo 7 kamid ah ay yihiin Rag, halka Qof kalena ay tahay Haweeney.

Ugu dambeyntii, Warbixinta Guddiga Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida Coronavirus ayaa xusay in 6 kamid ah dadka cudurka laga helay ay kunool yihiin Gobalka Nugaal, halka labada kalena ay ku sugan yihiin Gobalka Karkaar.