Puntland: Tirada Dadka uu ku dhacay COVID-19 oo korortay

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida cudurka Coronavirus ayaa ku dhawaaqay in maanta 6 xaaladood oo cusub lana xariira COVID-19 laga helay degaanada Puntland, kaddib baaris lagu sameeyay 24 ruux oo looga shakiyay cudurka.

6 Ruux ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa ku kala nool Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari, waxaana Wasaaradda Cafimaadka Dowladda Puntland ay sheegtay inay hoos u dhaceen dadka uu haleelay cudur, marka loo eego xaaladihii la diiwaan-geliyay labadii maalmood ee tagtay.

Kiisaska la diiwaan-geliyay ee cudurka Coronavirus ee gudaha Puntland ayaa hada gaartay 90 qof, waxaa u dhintay 4 qof, halka uu ka bogsaday 1 qof.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday shacabka inay muujiyaan taxadar, ayna u hoggaansamaan awaamiirta Dowladda iyo talooyinka caafimaadka ee ay bixinayaan Wasaaradda, Guddiga Dowladda iyo dhakhaatiirta caafimaadka, si looga guuleysto inuu sii baaho cudurka COVID-19.