Senator Farataag “Madaxweyne Farmaajo si qabiileysan ayuu u go’doomiyay Gobalka Gedo” (VIDEO)

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ‘Fartaag’ oo shalay laga reebay diyaarad u socotay magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa eedeymo culus u soo jeediyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Senator Farataag ayaa sheegay in gobolka Gedo uu qabyaaladeeyay madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu maanta gooni uga goostay gobollada Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo uu ka tirsanaa, isaga oo leh ‘reerkeyga ayaa dega.

“Gobolka dhan ee Gedo oo lawada ogyahay shaqadii uu kasoo qabtay maamulka Jubbaland, in la qabyaaladeeyo oo Madaxweynihii dhamaa yiraahdo inta qabiilkeygu degan yahay ayaan gooni u goosanayaa waa arin aad u fool-xun, umadda Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa in Gedo ay ka tirsan yahay Jubbaland dastuuri ahaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senator Cabdullaahi Fartaag.

Xayiraadii looga reebay diraayaddii meydka wasiirkii Jubbaland u siday Kismaayo Senator Fartaag waxaa ku wehliyey, Senator Iftiin Xasan Baasto, iyo Axmed Carab oo ah afhayeenkii hore ee maamulka Jubbaland, waxuuna si toos ah ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Taliska Nabad sugidda Soomaaliya, isaga oo ka beri-yeelay Ra’iisul Wasaare Kheyre.