Ciidamo kamid ah Daraawiish-ta Puntland oo la goostay Hub

Askar katirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland oo saldhigooda ahaa deegaanka Af-Urur ee Buuraleyda Galgala ee Gobalka Bari ayaa ka baxsaday saldhigii ay ku sugnaayeen, iyagoo la goostay hubkooda.

Askartan oo kamid ah Ciidan dhowaan tababar loogu soo xiray Xerada Xorgoble ee magaalada Qardho ee Gobalka Karkaar, waxaana kaddib la geeyay deegaanka Af-Urur, Wararka ayaana sheegaya in hubka Askartani la goosteen uu u badnaa qoriga AK-47 iyo Rasaas.

Ciidanka ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhanka Gobolka Sanaag, waxaana qorshahooda yahay inay iibsadaan hubka iyo rasaasta wataan, sida ay tibaaxayaan xogaha laga helayo Ragan.

Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, oo ku sugan magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag ayaa amar ku bixiyay in askartaas si deg deg ah loo soo qabto, isla markaana sharciga loo horkeeno.