Puntland: Tirada dadka uu haleelay COVID-19 oo korortay

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida cudurka Coronavirus ayaa ku dhawaaqay in 6 xaaladood oo cusub lana xariira COVID-19 laga helay degaanada Puntland, kaddib baaris lagu sameeyay 24 ruux oo looga shakiyay cudurka.

8 Xaladood ee cusub oo la diiwaan-geliyay 24 saac ee lasoo dhaafay, ayaa laga helay Gobalka Nugaal oo kaliya, waxaana tiradada kiisaska cudurka COVID-19 ee guud ahaan degaanada Puntland ka dhigaysa 98 Kiis.

Sidoo kale, Warbixinta Guddiga ayaa lagu sheegay in 2 Ruux ay ka bogsadeen cudurka.