Somaliland: Dhul-gariir ka dhacay magaalada Boorame

Wararka ka imaanaya magaalada Boorame ee Gobalka Awdal ayaa sheegaya in Abaaro 6:30 subaxnimo ee saaka dhul gariir aan wax khasaara ah geysan uu ka dhacay magaaladaas.

Dhulgariirkan oo xadiga wakhtiga uu socday lagu qiyaasay 5 ilaa 8 ilbidhiqsi ayaa labadii sano ilaa sadexdii sanaba hal mar ka dhaca magaaladaasi , taasoo sababtay in dadka magaaladaasi ku dhaqan ay la qabsadaan kuna keenin wax casbi ah oo buuran.

Magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal oo inta badan roobabku si weyn uga da,aan ayaa dadka magaaladu kuu sheegayaan in marka uu dhul gariirkaasi dhaco kadibna ay dareemaan roobab joogto ah oo magaalada ka da’a.