VIDEO: Gungume carruur ku cunay Miyiga Degmada Xiingalool

Gungume nooca halista badan ah oo xalay laba carruur ah ku cunay miyiga degmada Xiingalool ee Gobolka Haylaan ayaa goor-dhoweyd lagu dilay halkaasi, kadib saacado la baadi-goobayay.

Labada carruurta ah oo da’dooda lagu qiyaasay 5-sano jir iyo 7-sano jir islamarkaana uu dhalay qoys Reer Miyi ah oo deggan nawaaaxiga magaalada Xiingalool ayaa saaka la aasay kadib markii ay u geeriyoodeen qaniinyada bahalkaas.

Bahalka oo ka soo baxay kob halkaas ku tiillay ayaa xalay hurdada ku miray labadaasi carruurta ah oo wada jiifay sida laga soo xigtay waalidkooda.