VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland oo baaq adag u diray DFS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo xalay afur sharafeed u sameeyay Qaar kamid ah Masuuliyiinta iyo Tageerayaasha golahii isbadal doonka Jubbaland ayaa sidoo kale daah furay gogosha Shirweynaha dib u heshiisinta iyo nabadaynta Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa halkaas ka jeediyay ayaa ugu horayn u mahad celiyay xubnahan iyo masuuliyiintooda sida ay ugu tanaasuleen danta Shacabka iyo mustaqbalka Jubbaland, waxaana uu intaas ku daray in dalka la wada leeyahay loona baahan yahay in wixii talo iyo turxaan bixin ah ay halkooda kasii wadaan Bulshadana ku garab istaagan in kala aragti duwanaantu marnaba aanay ka dhalan dhibaato dhamaan dadka saamaysa.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland mar walba ay diyaar u tahay wada shaqayn iyo in wixii kala aragti duwanaan ah ee kala dhaxeeya DFS lagu dhameeyo wada hadal, isagoona ugu baaqay inay doorkeeda ka qaadato sidii Bulshada loo midayn lahaa.