Bari: Ciidanka Puntland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Buuraleyda Galgala

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa ka dhacay buuraleyda Galgala ee Gobalka Bari, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Amniga Puntland ay weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen xubno kamid ah Argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo qorsheynayay inay weeraraan saldhiga Balli-khadar ee Buuraleyda Galgala ay ku lee yihiin Ciidanka Badda Puntland ee PMPF-ta, waxaana weerarka lagu dilay 3 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Amniga Puntland uu dagaal uga dhintay hal askari, iyadoona haatan ay Ciidanku wadaan howlgallo balaaran oo ka dhan ah Argagixisada.

Ciidanka Amniga Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka wada guud ahaan degaanka howlgallo ka dhan ah Argagixisada, waxaana Ciidanku gudaha u galeen goobo ay ku dhuumaleysanayeen Argagixisada, iyagoona sidoo gacanta ku dhigay xubno qorsheynayay weeraro oo ku kala sugan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.