Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni iyo xubnaha Beesha Caalamka ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kula qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Kulanka oo ku dhacay hab maqal iyo muqaal ah, masuuliyiintii Beesha Caalamka ka socotay ee ka qeybgalay waxaa ka mid ah Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kulanka looga hadlay xaaladda Covid-19 ee Puntland, Amniga, Doorashadda Soomaaliya, Xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah iyo madax banaanida Warbaahinta.