VIDEO: Ciidanka Jubbaland oo heegan buuxa la galiyay

Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar), ayaa sheegay in deegaannada uu ka arrimiyo Maamulka Jubbaland aan lagu arki karin ruux hubeysan oo aan kamid aheyn Ciidamada Jubbaland.

Gen. Aadan Goonaar ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Jubbaland looga baahan yahay inaysan ogolaan in deegaannada Jubbaland lagu arko dad sameynaya waxyaabo lidi ku ah dhinaca Amniga,isla markaana ay tallaabo ka qaadaan.

Ugu dambeyntii, Gen. Aadan Maxamed Ibraahim, Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Jubbaland ayaa xusay inay jiraan dad siyaabo kale u dhigaya feejignaanta amni iyo hwolgallada ay Ciidamada wadaan,abalse aan laga aqbaleyn.