Akhriso: Cudurka COVID-19 oo ku sii faafaya degaanada Puntland

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus, ayaa ku dhawaaqay kiisas cusub oo la xariira cudurka COVID-19, kuwaas oo 24 saac ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyay degaanada Puntland.

Warbixin kooban oo uu baahiyay Guddigu ayaa lagu sheegay in 14 Qof laga helay cudurka COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay 24 Ruux oo looga shakiyay cudurka, waxaana tirada guud ee dadka uu haleelay cudurku gudaha Puntland ay gaartay 125 Ruux.

Guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dadka laga helay cudurka 7 kamid ah ay kunool yihiin Gobalka Karkaar, halka 4 ay ku nooshahay Gobalka Mudug, waxaana 3 kale ay ku sugan tahay Gobalka Nugaal.