VIDEO: Axmed Madoobe oo ka hadlay xuska 15-ka May

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray dhamaan Dhalinyarada Soomaaliyeed munaasabada 15-MAY 1943 oo ahayd markii la Aas Aasay Ururkii dhalinyarada gobanimo doonka ee SYL.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in iyadoo hormarka maanta uuna jirin hadana dhalinyaradii SYL ay xiligaas ku dadaaleen sidii ay dalkeena uga xorayn lahayeen gumaystihii haystay wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in taas ay tusaale u tahay dhalinyarada maanta oo haysata fursado ka wanaagsan kuwii shalay oo dalkeena ay isbadal kaga samayn karaan.

Madaxweynahu waxaa uu sheegay in dhalinyarada maanta ay saaran tahay masuuliyad weyn oo ay kaga qaybqaadan karaan dib u dhiska dalka wuxuu intaas raaciyay Madaxweynahu in sidii fikirka iyo habdhaqanka bulshada dib loogu habayn lahaa iyadoo dhalinyaradu ay laf dhabar u yihiin ay tahay masuuliyad weyn gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada hormarinta Bulshada iyo adeegyada wax tarka leh.

Gabagabadii Waxaa Madaxweynahu uu hormar u rajeeyay dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka gudbaan marxaladaha adag oo guud ahaan ah dhibaato dadka Soomaaliyeed haysta.