VIDEO: Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa dagaal ku dhexmaray duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoona lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha dawlada ee hoggaaminayay ciidamada dawlada.

Dagaalkan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ciidamada dawlada Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Koofur Galbeed Soomaaliya ay kordhiyeen hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka samaynayaan deegaannada maamulkaasi.