VIDEO: Jubbaland oo albaabada u laabtay Masajidada degaanadeeda

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan degdeg ah oo uu iskugu yeeray culimada iyo imaamyada masaajidada magaalada Kismaayo ayaa kala hadlay khatarta iyo dhibaatada xanuunka COVID-19 ku haayo ummadeenna, Waxaa uuna dhammaan culimada iyo imaamyada faray in la xiro masaajidada guud ahaan Jubbaland.

Kulanka oo hadda ka socda madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu amray culimada iyo imaamyada magaalada Kismaayo in la xiro masaajidada si dadka looga badbaadiyo xanuunka corona Virus oo khatar badan ku haaya dunida gaar ahaana dadkeenna Soomaaliyeed.